Ciidamada booliiska ee dalka ayaa ilaa iyo hadda gacanta ku dhigay afar qof oo ka mid ah 9 ruux oo lala xiriirinaya qaraxii ka dhashay gaaska cuntada lagu karsado ee Khamiistii hore laga soo tabiyay aagga Mradi ee deegaan baarlamaneedka Bariga Embakasi ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa dhacdadaasi ku dhintay 6 qof halka ku dhawaad 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa saaka sheegtay in la xiray eedeysanaha ugu muhiimsan ee dhacdadaasi oo lagu magacaabo Derrick Kimathi oo ah milkiilaha xarunta gaaska.
Saddexda qof ee kale ee la xiray ayaa ah saraakiisha maamulka qaran ee maareynta deegaanka ee NEMA waxayna kala yihiin David Ongare ( agaasimaha u hoggaansanka xeerarka deegaanka ), Joseph Makau ( madaxa qiimeynta saameynta dhanka deegaanka ) iyo Mirrian Kioko.
DCI-da ayaa sheegtay inay raadinaysa ilaa shan tuhmanayaal oo kale oo kala ah Stephen Kilonzo, Ann Kabiri Mirungi ,Lynette Cheruyoit ,Robert Gitau iyo Abraham Mwangi.