Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in la xiray afar eedeysanayaal ah.
Dadkan ayaa loo haystaa fal lagu gubay xafiisyada sanduuqa horumarinta deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu halkaasi oo sidoo kale laga gaystay boob hantiyeed.
DCI ayaa sheegtay in dib loo helay agab xafiisyadaasi laga qaatay.
Eedeysanayaal la xiray ayaa lagu kala magacaabaa Samuel Muiri Ruiyi, Samuel Wanjohi iyo Paul Kuria Njenga.
Tuhmanaha afaraad oo aan magaciisa la shaacin ayaa 16 sano jir ah.
Dadkan ayaa laga soo qabtay aagga Rironi ee Limuru oo ka tirsan Kiambu.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in horay loo xiray Naftary David iyo Kuru Waweru oo lagu eedeyay in ay dab qabadsiiyeen xafiisyada CDF ee deegaanka Kikuyu.
Waxaa halkaasi ku burburtay hanti uu qiimaheeedu yahay ilaa 22.5 milyan oo uu baabuur ku jiro.