Ciidamada booliiska ee gobolka Illinois ee Maraykanka ayaa laga soo xigtay in afar qof ay ku geeriyoodeen weerar mindi loo adeegsaday.
Dadka la dilay ayaa isugu jira gabadh 15 sano jir ahayd , haweeney 63 sano jir ahayd iyo labo rag oo ay da’doodu ahayd 49 iyo 22 sano.
Ugu yaraan toddobo ruux oo kale ayaa lagu dhaawacay falkaasi .
Saraakiisha ammaanka ee magaalada Rockford ayaa sheegay in weerarka uu dhacay galinkii dambe ee shalay.
Bayaanka booliiska waxaa ku cad in la xiray eedeysane 22 sano jir ah oo dhacdadaasi lala xiriirinaya.
Hasa ahaate ma cadda sababta keentay in ninkaasi uu dadka tooriyeeyo.