Waxaa la soo badbaadiyay afar qof halka dhowr kalena laga cabsi qabo in ay ku hoos xanniban yihiin dhisme ku soo dumay xaafadda South B ee magaalada Nairobi.
Dhismahan oo ka koobnaa saddex dabaq ayaa ku soo dumay aagga Fuata Nyayo ee South B.
Waxaa dhacdadan iyo saameynta ka dhalatay warbaahinta u xaqiijisay taliyaha booliiska ee deegaanka Makadara, Judith Nyongesa.
Waxaa hadda socdo howlaha samatabixinta oo ay iska kaashanayaan ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta, Hay’adda Laanqayrta Cas ee Kenya Red Cross iyo dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi.
Nyongesa, ayaa laga soo xigtay in dhismaha oo saddex cishe ka hor qayb ka mid ah la burburiyay uu soo dumay xilli ay dhowr qof isku dayayeen in ay kala baxaan biraha loo adeegsado wax soo saarka agabka.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa wax ka yar hal toddobaad ka dib markii guri kale oo la qorsheynayay in la burburiyo uu ku dumay xaafadda Kiamaiko ee ismaamulka Nairobi.