Waxaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in afar ruux ay dhinteen ka dib shil xalay laga soo tabiyay waddada wayn ee u dhexeysa magaalooyinka Nakuru iyo Eldoret.
Shilka ayaa ka dhacay meel u dhow aagga loo yaqaano Kibunja.
Shilka oo ay dhowr qof oo kale ku dhaawacmeen ayaa saameeyay mid ka mid ah basaska shirkadda Tahmeed.
Darawalkii baska ayay dhaawacyo fudud soo gaareen xilli uu isku dayayay inuu ka leexdo mid ka mid ah baabuurta xamuulka oo ku soo wajahnaa.
Madaxa isbitaalka degmada Molo ee ismaamulka Nakuru Dr. Susan Wanjiku ayaa sheegtay in la daaweynaya 17 qof oo dhaawacmay halka labo kale loo wareejiyay isbitaalka wayn ee Nakuru.
Baska shilka galay ayaa loo qaaday saldhigga booliiska ee Mau summit waxaana shilka iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha booliiska ee deegaanka Waqooyiga Kuresoi Judah Gathenge.