4 qof oo ku dhintay shil ka dhacay Makueni

0
365

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada afar ruux halka rakaab kalena uu soo gaaray dhaawac culus oo ay xaaladiisu liidato.
Tani ayaa timid ka dib shil laga soo tabiyay waddada xiriirisa Kibwezi-Kitui ee ismaamulka Makueni .
Waxaa dhacdadan iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha booliiska ee Kibwezi ,Morris Situma.
Shilka ayaa dhacay abaare 11-kii habeennimo ee xalay waxaana isla goobta ku geeriyooday saddex qof.
Labo qof oo dhaawac ah oo la geeyay isbitaalka AMREF ee Kibwezi si loo daaweeyo ayuu mid ka mid ah u geeriyooday dhaawacyadii cuslaa.
Taliye Situma ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in wadaha uu baabuurka si xowli ah u kaxeynayay taasi oo keentay inuu xakameyn waayo kadibna uu gaariga rogmado.
Waxaa uu intaasi ku daray in hadda ay socdaan baaritaanno dheeraad ah oo lagu hubinaya sidii ay wax u dhaceen.