Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in madaafiic teel teel ah oo tan iyo saaka ku soo dhacaysay gudaha magaaladaasi lagu dilay afar qof, sida dad goobjoog ah ay warbaahinta u sheegeen.
Saddex qof ayaa ku dhintay bakhaar magaalada ku yaalla oo uu madfac ku dhacay, halka nin nabadoon caan ahaa uu isna ku dhintay madfac ku dhacay goob uu joogay.
Dhanka kale rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa aaggaga ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo ee duleedka Laasacaanood.
Faahfaahin badan lagama hayo sida ay wax uga socdaan jiiddaha hore ee dagaalka ee magaalada Laasacaanood oo muddo dhowr bilood ahba ay isku horfadhiyeen ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.