Ugu yaraan afar ruux ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen ka dib qarax saameeyay gobolka Balochistan ee dalka Pakistan.
Qaraxa ayaa lala eegtay suuq ay dad badan ka adeeganayeen oo ku yaalla degmada Barkhan oo ilaa 500 oo kiilomitir dhanka bariga uga beegan magaalada Quetta.
Waxaa weerarka oo ilaa iyo hadda aynan cidna sheegan mas’uuliyadiisa ku dhaawacmay 14 ruux.
Madaxa booliiska ee degmadaasi Sajjad Afzal ayaa laga soo xigtay in waxyaabaha qarxa mooto lagu soo xiray iyadoo meel fog laga hagayay fulintiisa.




