Waxay faahfaahino dheeraad ah ka soo baxayaan isbuurasho saaka laga soo tabiyay fagaaraha Kericho Green Stadium ee lagu qabanaya dabbaal degga qaran ee maalinta halyeeyada ee Mashujaa Day.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay inay dhacdadaasi ku dhinteen afar qof oo haween ah halka 13 kale ay dhaawacmeen.
Ciidamada booliiska ayaa sheegay in isbuurashada ay dhacday abaare 3-dii aroornimo ee maanta ka hor inta aan dadweynaha loo furin albaabada fagaarahaasi.
Booliiska ayaa intaasi ku daray in isbuurashada ay timid ka dib markii mid ka mid ah haweenka shaaha iibiya uu si aan ula kac ahayn shaah uga daatay dab ka shidnaa meel u dhow iridda Gate C ee fagaaraha Kericho waxaana is dhex yaacay dadweynaha oo u maleeyay in lagu soo tuuray sunta dadka ka ilmeysiisa.
Dadka dhaawacmay oo aynan xaaladooda caafimaad liidan ayaa la geeyay isbitaalka wayn ee ismaamulka Kericho si loo daaweeyo halka meydadka la dhigay goobta meydadka ee isbitaalkaasi si ay ehelladooda u aqoonsadaan.
10,000 oo ruux ayaa loogu talagalay ka qayb galka xuska maalinta halyeeyada ee fagaaraha Kericho Green Stadium.
Ka dib isbuurashada la soo tabiyay ayay ciidamada ammaanka xaaladda sidii hore ku soo celiyeen.