Dowladda dalka New Zealand ayaa xaqiijisay inay afar ruux dhinteen halka kumanaan kalena ay guriyahooda ka barakaceen ka dib duufaan xooggan oo halkaasi laga soo tabiyay.
Duufaanta oo loo yaqaano Gabrielle waxaa weheliya dhul go’ iyo daadad saameeyay Waqooyiga wadankaasi.
Wasiirka wasaaradda maareynta xaaladaha degdegga ee dalka New Zealand Kieran McAnulty ayaa sheegay in weli aan halista jirta laga gudbin.
Afar meelood saddex meel dadweynaha dalka New Zealand waxay ku nool yihiin jasiiradda waqooyi ee ay duufaanta ku dhufatay waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha ka dhashay uu sii kordho.




