4 qof oo ku dhaawacmay shil tareen

0
325

Waaxda tareennada dalka ee Kenya Railways (KR) ayaa sheegtay in afar qof oo rakaab ah ay soo gaareen dhaawacyo fudud ka dib shil maanta ka dhacay khadka tareennada ee Meter Gauge Railway gaar ahaan qaybta waddada wayn ee Nairobi Eastern Bypass.
Waxay waaxdu sheegtay in shilka uu u dhexeyay labo ka mid ah tareennada hannaanka gaadiidka ee Nairobi Commuter Rail.
KR ayaa laga soo xigtay in rakaabka kale ay adeegsadeen siyaabo ay ku tagayaan meelaha ay u socdeen waxayna intaasi ku dartay in dib loo soo celiyay xaaladdii caadiga ahayd ee khadka MGR .