4 qof oo dheeraad ah oo gaajo ugu dhimatay Qaza

0
830

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa shaacisay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ay diiwaangelisay 4 dhimasho oo dheeraad ah oo ka dhashay gaajada iyo nafaqo darrada ka jirta Qaza.
Waxaa dadkan ka mid ah labo carruur ah.
Tani ayaa tirada guud ee dadka u geeriyooday gaajada iyo nafaqo darrada ka dhigaysa 317 oo 121 ay carruur yihiin.
Dhanka kale , wakaaladda wararka ee dowladda Falastiin ee WAFA ayaa ku warramaysa in maamullada Israa’iil ay soo saareen labo amar oo militari oo la doonaya in lagula wareego dhulalka tuulada Jinsafut, ee Bariga magaalada Qalqilya oo ka tirsan Daanta Galbeed ee la haysto ee Falastiin.
Dhulalka lala wareegaya ayaa ah ilaa 3.9 eekar si looga dhiso waddooyinka xiriirinaya deegaammada Yakir iyo Karnei Shomron.
Tani ayaa saameynaysa ilaa 150 qof oo beeraleey ah.