Waxaa in ka badan 4,000 oo ka mid ah shakhsiyaadka bixiya daawooyinka dhirta ka sameysan ee ku nool ismaamulka Kilifi ee gobolka Xeebta ee waddanka ay doonayaan in dowladda ay aqoonsato iyaga iyo dhigooda dowlad deegaannada kale ee waddanka.
Waxay carrabka ku dhufeen in ay awood u leeyihin daaweynta cudurrada kala duwan oo aysan dhakhaatiirta soo bartay culuunta caafimaadka daaweyn karin.
Dowladda ayay ka codsadeen in iyadoo lala kaashanayo wasaaradda caafimadka la aqoonsado islamarkaana ay la shaqeeyaan dhakhaatiirta kale ee dalka, si ay adeegyo caafimaad u bixiyaan.
Waxaa ay intaasi ku dareen in qaar ka mid shakhsiyaadka bixiya daawooyinka dhirta door weyn ka qaateen daaweynta cudurrada qaar, sidaasi awgeedna la siiyo aqoonsi iyo goobo ay ku shaqeeyaan.