Waxaa baroor-diiq ku jiro qoyska hoggaamiyaha aqlabiyadda golaha hoose ee ismaamulka Nairobi Cabdi Guyo ka dib markii afar ka mid ah ehelladiisa ay shil ku nafwaayeen.
Dadka ku dhintay shilka ayaa kala ah wiil la dhashay Cabdi Guyo, dumaashidiis ama xaaska walaalkii iyo labo carruur uu adeer u yahay.
Shilka ayaa xalay ka dhacay inta u dhexeyso waddada wayn ee xiriiriso magaalooyinka Isiolo iyo Nanyuki.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in afarta qof ay ku wajahnaayeen ismaamulka Isiolo iyagoo ka safray Nairobi.
Hasa ahaate waxaa shilkaasi ka badbaaday labo carruur oo kale.
Waxaa dhacdadan iyo khasaaraha ka dhashay warbaahinta u xaqiijiyay guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Isiolo Geoffrey Omoding.
Warbixinta booliska waxay tilmaamaysaa in darawalka kaxeynayay baabuurkii ay saarnaayeen dadka shilka ku dhintay uu gaariga xakameyntiisa lumiyay ka dib markii uu taayar dillaacay.
Cilladdaasi ayaa keentay in baabuurka uu waddada ka baxo oo uu xayndaab ku dhaco.
Afarta qof ayaa ku geeriyooday isla goobta shilka laga soo tabiyay waxaana la filaya in maanta lagu aaso Isiolo.
Shilka ayaa ku soo beegmay maalmo un ka dib markii barasaabka ismaamulka Isiolo Maxamad Kuti uu hoggaamiyaha aqlabiyadda golaha hoose ee Nairobi Cabdi Guyo uu u xushay inuu ka mid noqdo musharraxiinta guddoomiyenimo ee dowlad deegaankaasi si uu bisha Siddeedaad xilka ugala wareego.