4 ka mid ah maareeyaasha imtixaanka KCSE-da oo maxkamad la soo taagay

0
584

Waxaa maxkamad la soo taagay 4 sarkaal oo ka mid ah shakhsiyaadka loo xil saaray maareynta imtixaannada qaran ee fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da.
Tani ayaa timid ka dib markii gacanta lagu dhigay xilli ay kormeerayeen ardayda imtixaanka ku sameynaya ismaamulka Migori iyaga oo lagu eedeyay in ay dusiyeen warqadaha imtixaanka.
Waxay ka soo hor muuqdeen maxkamadda deegaanka Rongo ee ismaamulkaas.
Maxkamadda ayaa amartay in eedeysanayaasha xabsiga lagu sii hayo muddo 10 cisho ah ilaa iyo inta sagaal cisho ka dib laga soo hadal qaadaya dacwadda ay wajahayaan.
Dhanka kale Xoghayaha waxbarashada aasaasiga ah ee dalka Dr .Julius Jwan ayaa sheegay in ay dabagal dheeraad ah ku hayaan qaar ka mid ah dugsiyada gobolka Nyanza oo looga shakiyay wax isdaba marin.