4 ismaamul oo laga soo sheegaya cunno yari ka sii dareysa

0
349

Wasiiradda arrimaha bariga Afrika , horumarinta gobollada iyo deegaannada oomanaha Rebecca Miano ayaa shaaca ka qaadday in afar ka mid ah ismaamullada dalka ay ka jirto xaalad cunno yari oo ka sii dareysa.
Dowlad deegaannadan ayaa kala ah Kwale, Taita-Taveta, Kilifi iyo Kitui.
Saameynta abaarta ayaa weli laga dareemaya 21 ka mid ah 23 ismaamul oo lagu tilmaamo kuwa oomanaha ee (ASAL) oo ay horay abaartu ugu dhufatay.
Hasa ahaate wasiiradda ayaa sheegtay in maadaama ay roobab da’een in la filaya in saameynta abaarta ay yaraato.
Dowladda dhexe ayaa sheegtay in bishii hore ay lacag dhan 1.2 bilyan oo shilin ku bixisay barnaamijyada looga falcelinaya abaarta.
Guddiga qaran ee loo xil saaray ka falcelinta abaarta ee uu guddoomiyo madaxa fulinta ee shirkadda Safaricom Peter Ndegwa ayaa gargaar cunno oo qiimo ahaan kor u dhaafaya 400 oo milyan oo shilin u qaybiyay qoysas ku nool 23 ismaamul.