4 ismaamul oo ay maanta koronto la’aan ka jiri doonto

0
423

Shirkadda adeegga korontada ee dalka ee Kenya Power ayaa sheegtay in maanta oo isniin ah taariikhdu tahay 19-ka bishan May ay koronto la’aan ka jiri doonto ismaamullada Nakuru, Homa Bay, Embu iyo Nyamira.
Waxaa arrintan loo aaneeyay howlo dayactir ah oo ay shirkadda sameyn doonto.
Shacabka ku nool dowlad deegaannadan ayaan adeegga korontada haysan doonin inta u dhexeysa 8-da subaxnimo ilaa 5-ta galabnimo ee Isniinta maanta ah.