4 eedeysanayaal oo loo xiray lacag maalmo ka hor la dhacay

0
551

Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ee ismaamulka Nairobi ayaa gacanta ku dhigay afar eedeysanayaal.
Shakhsiyaadkan ayaa lala xiriirinayaa dhacdo maalmo ka hor dukaanka wayn ee laga adeegto ee Quickmart Supermarket looga dhacay lacag dhan 94.9 milyan oo shilin.
6-dii bishan ayaa falkaasi la gaystay.
Waxaa lacagta la baxsaday labo ka mid ah shaqaalaha shirkadda bixisa adeegyada amniga ee Wells Fargo Company oo loo xil saaray inay lacagta gaarsiiyaan bangiga Family Bank ee bartamaha caasimadda dalka ee Nairobi.
Dadka falkan loo xiray ayaa kala ah Ismaaciil Patrick Gitonga oo ah milkiilaha baabuurkii lacagta lagu soo qaaday.
Waxaa laga qabtay aagga Rongai halka baabuurkiisa lagu arkay xaafadda Njiru oo ka tirsan Kayole.
Tuhmanayaasha kala ah Michael Matolo Njeru iyo Samwel Onyango ayaa iyagana lagu xiray Njiru xilli ay doonayeen inay isbeddel ku sameeyaan gaariga.
Martin Nderi Nganga ayaa laga soo qabtay deegaanka Kasarani waxaana guri u kireysnaa laga helay 9.1 milyan oo shilin.
DCI ayaa sheegtay in hadda ay socdaan dadaallo lagu soo xiraya eedeysanayaal dheeraad ah.