4 eedeysanayaal oo lala xiriiriyay dilkii xildhibaan Muchai

0
586

Waxaa dacwad loo haystaa 4 qof oo ka mid ah dadkii lala xiriiriyay in ay ka dambeeyeen dilkii xildhibaankii hore ee deegaanka Kabete George Muchai .
Waxaa laga doonaya in ay iska difaacaan dacwadda ay caddeymaha u soo bandhigtay waaxda dacwad oogidda dalka.
Tani ayaa timid ka dib markii ay maxkamaddu sheegtay in caddeymaha ka dhanka ah eedeysanayaashan ay yihiin kuwo wax ku ool ah.
Hasa ahaate , waxay maxkamaddu fasaxday 3 qof oo kale oo iyagana horay loo tuhmayay ka dib markii la waayay caddeymo ka dhan ah oo lagula xiriirin karo dilkii Muchai.
Shakhsiyaadkan ayaa kala ah Jane Wanjiru alias Shito, Margaret Njeri Wachiuri, iyo Simon Wambugu Gichaba.
Waxaa sidoo kale la fasaxay saddex ruux oo dheeraad ah oo dembi lagu waayay.