Taliyaha booliiska ee Nairobi ,Adamson Bungei ayaa shir jaraaid oo uu qabtay ka sheegay in afar ka mid ah ciidamada booliiska shaqada laga istaajiyay halka labo kalena laga wareejiyay saldhigga Muthaiga oo uu ka baxsaday qof ku eedeysnaa inuu saaxiibtiis dilay.
Tuhmanaha ayaa lagu magacaabaa Kelvin Kinyanjui Kang’ethe.
Bungei ayaa intaasi ku daray in qareenka Kang’ethe oo lagu magacaabo John Ndegwa Maina uu weli xabsi ku jiro.
Maina ayaa Arbacadii laga qabtay saldhigga booliiska ee Muthaiga ka dib markii uu Kang’ethe halkaasi ka baxsaday.
Kang’ethe ayaa ku eedeysan inuu Maraykanka ku dilay gabadh kenyaan ah balse sidoo kale haysata dhalashada wadankaasi oo ay wada sheekeysanayeen da’deeduna ahayd 31 sano.
Waxaa uu qorshuhu ahaa in dib loogu celiyo Maraykanka si halkaasi loogu maxkamadeeyo ka hor inta uunan ka baxsan saldhiggii lagu hayay.