Turkiga oo diiddan in Sweden iyo Finland ay ku biiraan NATO

0
296

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa xaqiijiyay in dowladdiisa aynan la dhacsanayn qorshaha ay waddamada Sweden iyo Finland ku doonayaan inay ka mid noqdaan xubnaha gaashaanbuurta NATO.
Xukuumadda Ankara ayaa ku gacan seyrtay soo jeedin ahayd in wafdi arrintan kala xaajoodo loo soo diro.
Erdogan ayaa ku celceliyay inaynan marnaba oggolaan doonin in la qaabilo wadamo horay xayiraado u saaray in Turkiga uu ka mid noqdo hay’adaha amni ee NATO.