Ducaale iyo Qoloosh oo hoggaamin doono arrimaha Kenya Kwanza ee waqooyi bari

0
377

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa maanta shaaciyay in xildhibaanka deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale, dhigiisa galbeedka Wajeer Axmad Qoloosh iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Mandera ay hoggaamin doonaan geeddisocodka siyaasadeed ee gobolka waqooyi bari ee isbeheysiga Kenya Kwanza.
Isbeheysigan ayaa waxaa madax ka ah William Ruto, hoggaamiyaha ANC Musalia Mudavadi iyo dhigiisa Ford-Kenya Moses Wetangula.
Sidoo kale Ruto ayaa soo bandhigay koox qaabilsanaan doonto ka shaqeynta arrimaha dhaqaalaha oo ugu wayn qodobbada ololaha siyaasadeed ee hoggaamiyaha labaad ee dalka.