Waa kuma amiirka cusub ee Imaaraadka?

0
830

Sheekh Maxamad Bin Zayed Al Nahyan ayaa loo doortay madaxweynaha ama amiirka cusub ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, isagoo beddelaya walaalkii Sheekh Khaliifa oo geeriyooday shalay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Imaaraadka ee WAM.
Wakaaladda waxay intaa ku dartay in maanta golaha sare ee UAE-da ay si aqlabiyad leh ugu doorteen madaxweynaha cusub Maxamad bin Zayed Al Nahyan ka dib geeridii ku timid walaalkii Sheekh Khalifa oo ahaa boqorkii Wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta ahaana madaxweynaha dalkaasi.
Madaxweynaha geeriyooday ayaa Jimcihii shalay lagu aasay qabuuraha Al Bateen ee magaalada Abu Dhabi, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha ee dalkaasi.
Wakaaladda Wararka ee WAM oo soo xiganeysa bayaan ay soo saartay madaxtooyada, iyadoo la raacayo qodobka 51-aad ee dastuurka, Maxamad bin Zayed Al Nahyan ayaa loo doortay ninka beddeli doono Khaliifa Bin Zayed.