39 arday oo ku xayirnaa Suudaan oo xalay dalka soo gaaray

0
306

Wasiirka wasaaradda difaaca ee dalka Aadan Barre Ducaale oo ay weheliyaan saraakiisha sare ee militariga , waaxda qurbajoogta ee wasaaradda arrimaha dibadda, mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha iyo hay’adda laanqayrta cas ayaa xalay soo dhaweeyay 39 arday oo kenyaan ah kuwaasoo laga soo daadgureeyay wadanka Suudaan.
Ducaale ayaa hoosta ka xarriiqay in marka uu dagaal ka dhaco dal daris ah in mudnaanta koowaad la siinaya badbaadinta muwaadiniinta.
Waxaa uu wasiirku xusay in dhammaan ardaydan oo ah kenyaanka ugu horreeya ee laga soo qaaday Suudaan ay wax ka dhigtaan jaamacadda International University of Africa ee magaalada Khartoum.
Diyaarad ay leeyihiin ciidamada hawada ee dalka ayaa ardayda ka soo qaadday garoonka diyaaradaha ee Paloich ee Suudaanta Koonfureed ka dib safar dheer oo ay galeen.
Waxaa uu dhammaan kenyaanka ku sugan Suudaan iyo ehelladooda ugu baaqay inay la xiriiraan waaxda arrimaha qurbajoogta isagoo dhanka kale ardayda ku ammaanay adkeysiga iyo geesinnimada ay muujiyeen in kastoo ay saameyeen colaadaha u dhexeya militariga Suudaan iyo ciidamada sida militariga u tababaran ee RSF ee dalkaasi.