Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa lagu wadaa inuu maanta khadka taleefoonka kula hadlo dhigiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan sida laga soo xigtay xukuumadda Moscow.
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii dowladda dalkaasi ay Talaadadii magaalada Istanbul ku marti gelisay wufuud ka kala socday xukuumadaha Kyiv iyo Moscow halkaasoo ay ku wada hadleen.
Shalay ayay ahayd markii madaxweyne Erdogan uu la hadlay dhigiisa Ukraine Volodymyr Zelenskyy waxaa uuna u sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay inay damaanaqaad amni u sameyso Ukraine.
Ukraine ayaa soo saartay qaab ay doonaysa in loo wajaho wada hadallada nabadeed.
Waxay sheegtay inay qaadanayso mowqif dhexdhexaadnimo hasa ahaate danaheeda dhanka ammaanka ay u istaagayaan waddamo kale.