5 qodob uu Dr. Cabdinaasir ku mudan yahay madaxtooyada Villa Soomaaliya?

0
647

Doorashada Soomaaliya ee sanadkan loo madlanyahay waxay ka mid tahay kuwa ugu adag dhanka loolanka iyo ololaha marka loo eego sanadadii hore, Xildhibaannada Golaha Shacabka ee lasoo doortay welina ay qaarkood dhimanyihiin ayaa kala saari doona musharraxa ugu mudan inuu hoggaamiyo Soomaaliya afarta sano ee soo socota.
Haddaba, iyada oo ay jiraan musharraxiin badan oo u taagan qabashada hoggaanka ugu sarreeya ee talada dalka Soomaaliya, ayaan rabnaa inaan fiirino musharrax madaxweyne Dr. Cabdinaasir Cabdille Maxamad oo uu taagan jagadaas qabashadeeda, sida ay dad badan oo falanqeeya arrimaha siyaasadda dalka ay qabaan inuu sanadkaan Dr. Cabdinaasir ugu mudan yahay xilkaas.
Shan qodob oo u sahleysa Dr. Cabdinaasir inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya ee soo socda ayaan halkan ku falanqeyn donna:
1. Siyaasi deggan oo aan taladiisa dowlado kale saameyn ku lahayn gadaalna aysan ka riixeyn ololihiisa doorasho, balse uu yahay mid Soomaaliyeysan boqolkiiba boqol, taas oo ka dhigaysa nin isku wadi kara siyaasadda isdiidan ee ka jirta Soomaaliya.
2. In uusan ka qaybgalin dagaal sokeeye ama mid beeleed wakhtigii burburka ilaa iminka, taas beddelkeedana uu ka shaqeynayay horumarka bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha, iyadoo uu ka qayb qaatay aas-aasidda Jaamacado iyo dayactirka xarumo caafimaad oo kala duwan kuwaas oo ku kala yaalla guud ahaan wadanka Soomaaliya.
3. Dadka yaqaanaa waxay ku tilmaamaan Dr. Cabdinaasir inuu yahay nin tiknokarat ah oo shaqo yaqaan ah qof walbana u dhiibi kara shaqada ku habboon, isagoo aaminsan in talada dalka la ballaariyo oo aan lagu koobin dhowr qof oo ay asxaab yihiin.
4. Inuu yahay siyaasi isku duubi kara siyaasadda arrimaha gudaha ee cayn-wareegtay taas oo wiiqday midnimada dadka iyo siyaasadda Soomaaliyeed shantii sano ee lasoo dhaafay, dowlad goboleedyada dalka ayaa xulafo u kala ah mucaaradka iyo muxaafidka taas oo u baahan qof waayo-arag ah oo isku keeni kara dhinacyada isdiiddan ee Soomaalida kana dhex abuuri kara wadajir.
5. Inuu leeyahay khibrad tartan iyo xulafo xildhibaanno oo isbeddel-doon ah kuwaas oo aan rabin in madaxweynaha talada ka dhammaatay iminka aanu xal u hayn Soomaaliya, madaxdii ka horreysay iyo kuwa xilalka dalka kasoo qabtayba la yaqaan oo aanay keeni Karin wax cusub, taasna fursad wayn bay u arkaan dadka falanqeeya siyaasadda in isbeddel-doonku u soo jabi doonaan siyaasi aan dhexgelin dagaallada siyaasadeed ee socday oo Dr. Cabdinaasir yahay ceeb ka saliim aan garaafi lahayn.
Dr. Cabdinaasir oo olole xooggan ku jira sanadkaan oo khibrad ka helay doorashadii 2017-kii ee uu tartamay ayaa la filayaa sanadkaan inuu ku guulaysto kursiga looga arrimiyo Soomaaliya, xildhibaanno kala duwan ayaa u arkay in Dr. Cabdinaasir uu u yahay qofka ay dooranayaan ee koowaad ama labaad iyagoo ku qiimeynaya inuusan dekano ka gelin Soomaaliya, yahay qof isku wadi kara Soomaalida kala irdhowday.