37 qof oo ku dhintay daadad ku dhuftay dalka Morocco

0
212

Ugu yaraan 37 qof ayaa ku dhintay daadad xooggan oo ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay gobolka xeebta Atlaantik ee Safi ee dalka Morocco, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.
Ugu yaraan 14 qof ayaa lagu daweeyay isbitaal, oo ay ku jiraan laba ka mid ah qaybta daryeelka degdegga ah, ka dib markii si lama filaan ah uu roob xooggan u da’ay Axaddii.
Sawirro baraha bulshada lagu baahiyay ayaa muujinaya daadad biyo dhoobo ah oo ka soo baxaya waddooyinka magaalada Safi.
War-saxaafadeed ay soo saareen, maamulka Safi ayaa lagu sheegay in hawlgallada raadinta iyo samatabbixinta ay socdaan, tallaabooyin lagama maarmaan ahna la qaaday si loo sugo amniga meelaha ay dhibaatadu saameysey loona taageero dadka deegaanka.