Waxaa lagu soo warramayaa in 16 qof oo rag ah xabsiga loo taxaabay kuwaasoo lala xiriirinayo fal faraxumeyn iyo dhibaato loogu gaystay haweeney darawalad ahayd.
Sidoo kale waxa gacanta lagu dhigay 5 ka mid ah nooca mootada loo yaqaano dhugdhugley.
Xarigga shakhsiyaadkan waxaa xaqiijiyay taliyaha ciidanka ilaalada waddooyinka ee taraafikada caasimadda dalka ee Nairobi Joshua Omukata.
Waxaa uu sheegay in eedeysanayaasha haatan ay ku xiran yihiin saldhigga booliska ee xaafadda Parkland ee magaalada Nairobi.
Taliyaha ciidanka taraafikada Nairobi ayaa sheegay in dhibanaha ay lugta ka jabtay, islamarkaana haatan lagu daweynayo isbitaalka heerka afaraad ee ismaamulka Kiambu.
Abaanduulaha booliska dalka Mr. Hillary Mutyambai ayaa dhankiisa sheegay in xarigga shakhsiyaadkan u daba socdo ka dib markii Kenyaan badan oo adeegsado baraha intarneetka ay laamaha ammaanka cadaadis ku saareen inay gacanta kusoo dhigaan dambilayaasha ku lugta leh faraxumeynta lagula kacay haweeneyda darawaladda ahayd.
Muuqaal baraha bulshada kuwada xiriirto lagu faafiyay islamarkaana aad looga xumaaday ayaa laga dhex arkayay haweeneyda darawaladda ah oo ay koox ka mid ah wadayaasha mootooyinka weerar ku qaadeen.
Eedeysanayaasha ayaa gabadha faraxumeynta u gaystay, xilli ay mareysay waddada Forest Road ee magaalada Nairobi.
Muuqaalka ayaa laga dhex maqlayay haweeneyda oo qaylinaysa, halka ragga wadayaasha mootooyinka ay dalbanayeen in gaariga laga soo saaro.
Shakhsiyaadka adeegsado baraha bulshada kuwada xiriirto ayaa codsaday in tallaabooyin adag laga qaado wadayaasha dhugdhugleyda, madaama qaar ka mid ah dhibaatooyin u gaystaan dadweynaha.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’i ayaa cambaareeyay falkan, waxaa uuna wacad ku maray in tallaabo laga qaadi doono dambiilayaasha.
Sidoo kale wasiiradda wasaaradda tamarta ee daka Monica Juma ayaa iyaduna bayaan ay soo saartay ku cambaaraysay dhacdadan.
Update on an earlier attack on a motorist.
Sixteen (16) suspects have been arrested and five motor cycles impounded in connection with an earlier attack on a motorist.
Operations continues as we appeal for more information from the public.— National Police Service-Kenya (@NPSOfficial_KE) March 7, 2022