Guddi heer sare oo ay hoggaaminayso qaramada midoobay ayaa warbixin ku sheegay in qiyaastii 350,000 oo qof oo ku nool gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ay macluul wajahayaan.
Guddigan ayaa diiradda saaro ka fal-celinta xaaladaha baniaadanimo.
Warbixintan ayaa shaaca looga qaaday fadhi ay yeesheen 18 hay’adood oo isugu jiro kuwa jimciyadda qurumaha ka dhexeysa iyo kuwa aan dowliga ahayn.
Waxaa kulanka guddoomiyay madaxa arrimaha baniaadanimada ee qaramada midoobay Mark Lowcock oo xusay in dadkan ay u baahan yihiin gargaar degdeg oo ah dhinaca cuntada.
Mituku Kassa, madaxa guddiga dowladda Itoobiya ee ka hor tagga musiibooyinka ayaa ciidamada (TPLF) ku eedeyay in ay weerarayaan baabuurta gurmadka wado.
Waxaa uu intaa ku daray in boqolkiiba 90 shacabka halkaasi ku nool la caawiyay.