Dowladda Soomaaliya ayaa xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho ka siidaysay 33 kalluumeysato iyo badmaaxayaal u dhashay dalka Iiraan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee wadanka Iiraan ee IRNA.
kalluumeysatadan iyo badmaaxiyiintan ayaa dib ugu laabanaya dalkooda, sida uu ku dhawaaqay Safiirka Iiraan u fadhiya Kenya Cali Gholampour.
Gholampour ayaa intaasi ku daray in mas’uuliyiinta wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya ay shaaciyeen in ay diyaar u yihiin in loo gudbo hannaanka dib u soo nooleynta xiriirka labada dal oo go’ay dhowr sano ka hor.
Waxaa uu sheegay in ajendaha labada dhinac ay ka mid yihiin diyaarinta heshiis iskaashi oo dhanka kalluumeysiga ah oo ilaalin doona danaha labada dhinac, loogana hortagayo soo laabashada kalluumaysiga sharci darrada ah ee kalluumeysatada Iiraan ay ka wadaan Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay Iraaniyiintan sanadkii hore, ka dib markii iyagoo aan haysan sharciyo ay badda Soomaaliya kaga kalluumaystaan lagu qabtay xeebaha Soomaaliya.
Kadibna waxaa lagu xukumay lix sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya boqolaal kun oo Doolarka Maraykanka ah, sida ay sheegtay IRNA.
Soomaaliya ayaa xiriirka u jartay Iiraan sanadkii 2016-kii, iyadoo sabab uga dhigtay faragelinta joogtada ah ee Iiraan ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.