14 qof oo 6 ka mid ah ay suxufiyiin yihiin ayaa dhintay halka tiro kale dhaawacyo kala duwan soo gaareen ka dib shilka ka dhacay magaalada Nyamikola Busega ee waqooyiga dalka Tanzania.
Guddoomiyaha magaalada Nyamikola Busega Garbriel Sakariya ayaa sheegay in shilka uu u dhexeyay gaari nooca loo yaqaano Land Cruiser oo ku dhacay mid ka mid baaburta qaadda dadweynaha, taas oo sababtay in 11 qof ay isla goobta ku dhinteen halka 3 kale ay geeriyoodeen markii loo waday isbitaalka.
Madaxweynaha dalka Tanzania Saamiya Suluhu Xasan ayaa ka tacsiyadeysay geerida dadka shilka ku dhintay, iyadoo caafimaad degdeg ah u rajeysay dadka ay dhaawacyadu soo gaareen.




