DHAGEYSO:Qoys ku nool Garissa oo dalbanaya cadaalad ka dib markii wiilkooda la afduubtay

0
746

Qoys ku nool magaalada Garissa ayaa dalbanaya cadaalad ka dib markii wiilkooda oo lagu magacaabo Shariif Sheekh Nuur oo laba toddobaad ka hor la waayay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in wiilka la afduubtay.
Wiilka maqan ayaa la afduubtay wax yar un ka dib markii maxkamadda magaalada Garissa ay ku waysay dambi ka dhan ah argagixisnimo.
Qoyska uu ka soo jeeda wiilka oo dacwad ka qoray saldhigga booliska ee magaalada Garissa ayaa dalbanaya in meel lagu sheego inaanka ka maqan nolol ama geeri.