Midowga musharrixiinta Soomaaliya oo dalbaday in Farmaajo uu si degdeg ah uga baxo Villa Somalia

0
1013

Xubnaha Midowga Musharrixiinta Soomaaliya ayaa sheegay inay cambaareeynayaan iskuday afgembi oo ay sheegeen in uu madaxweyne Farmaajo shalay ku kacay ,islamarkaana uu ahaa qayaano Qaran oo la doonayay in lagu dumiyo Hay’adaha Dastuuriga ah laguna carqaladeeynayo doorashooyinka.
Qoraal kasoo baxay Midowga Musharrixiinta ayaa waxaa sidoo kale ku sheegeen in Maxamad C/laahi Farmaajo uu isku dayay in uu ciidan ku qabsado hay’ado madani ah oo dastuuri ah, iyaga oo dalbaday in baaritaan lagu sameeyo, dacwadna lagu soo oogo Farmaajo iyo intii kale ee ku gacansiisay afgambiga.
Hoos ka akhriso bayaan uu midowga musharrixiinta soo saaray: