Magoha oo dhaliil u jeediyay shakhsiyaadka aan taageersanayn hirgelinta manhajka CBC

0
871

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa maanta si rasmi ah ismaamulka Mombasa uga furay shirweyne ay ka qayb galayaan 10,000 oo ah xubnaha ururka maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe ee dalka.
Shirka ayaa looga arrinsanayaa dhaqangelinta manhajka waxbarashasa ee CBC, saameynta cudurka COVID-19 uu ku yeeshay waxbarashada iyo qodobbo kale.
Magoha ayaa dhaliil u jeediyay shakhsiyaadka aan taageersanayn hirgelinta nidaamkan.
Waxaa uu ku celceliyay in qaar ka mid ah dadka dowladda dhaliilaya aynan fahansanayn manhajka.
Guddoomiyaha ururka maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe ee dalka ee KEPSHA Johnson Nzioka ayaa warbaahinta u sheegay in shirka ka furmay Mombasa lagu qiimeynayo horumarka ilaa iyo hadda laga gaaray nidaamkan iyo caqabadaha la xiriira dhaqangelintiisa.