Faransiiska oo shaaciyay tallaabooyin lagu xakameynaya COVID-19

0
538

Dowladda dalka Faransiiska ayaa shaaca ka qaadday tallaabooyin cusub oo lagu xakameyn doono faafitaanta cudurka COVID-19 ee gudaha wadankaasi.
Tani ayaa timid ka dib markii ay kordheen xaaladaha nooca cusub ee caabuqa corona ee Omicron.
Laga billaabo 3-da bisha koowaad ee sanadka soo socdo waxaa ciddii ay u suuragalayso khasab ku ah in toddobaadkii ugu yaraan saddex maalmood ay guriga ka soo shaqeyso.
Kulamada dadweynaha ee lagu qabto meelaha aan furnayn waxaa ka qayb geli karo keliya 2,000 oo qof halka bannaanada ay ku kulmi karaan ilaa 5,000 oo ruux sida laga soo xigtay ra’iisul wasaaraha Faransiiska Jean Castex .
Sidoo kale gudaha gaadiidyada dadweynaha waxaa mamnuuc ka ah in wax lagu dhex cuno ama lagu cabbo si la mid ah garoomada cayaaraha iyo meelaha aflaanta laga daawado.
Faransiiska ayaa sidoo kale sheegay in dadka maqaayadaha cuntada ku cunaya ama cabitaanada ay khasab tahay inay fariistaan.
Amarradan ayaa shaqeyn doono ugu yaraan saddex toddobaad hasa ahaate waxaan jiri doonin bandow saacado ka hor sanadka cusub.