Askari booliis oo lagu xiray Nakuru isagoo isku dayayay inuu hub dad ka iibiyo

0
610

Waxaa xabsiga loo taxaabay sarkaal booliis ah oo ka tirsan xarunta dhexe ee laanta howlgallada booliska.
Askariga ayaa sidoo kale la sheegay inuu la shaqeeyo maamulka qaran ee maareynta deegaanka ee NEMA.
Sarkaalka ayaa lagu xiray ismaamulka Nakuru isagoo isku dayaya inuu hub iibiyo.
Askarigan oo lagu magacaabo Patrick Kimani ayaa waxaa xiray baarayaal ka socda deegaanka Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Waxaa laga soo qabtay xarunta lagu caweeyo ee Craft Yard ee magaalada Naivasha, halkaas oo la rabay in hubka lagu kala iibsado.
Waxaa sarkaalka booliska xilliga la soo qabanayay la socday taksiilihii gaariga hubka lagu waday iyo haweeney 30 jir ah oo magaceeda lagu sheegay Joy Wairimu Kinoti.
Ciidamada dambi baarista ayaa waxa u suuragashay in ay soo helaan bastoolad oo ay ku jirto 15 xabo oo rasaas ah, sanduuq ay ku jiraan 25 xabo oo rasaas ah, warqad ballan iyo dhowr taleefan.