Dowladda dhexe oo difaacday qandaraasyada ay siiso shirkadaha Shiinaha

0
547

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo kaabayaasha waddooyinka ee dalka James Macharia oo wareysi gaar ah siiyay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa sheegay in qandaraasyada ay fuliyaan shirkadaha laga leeyahay wadanka Shiinaha ay yihiin kuwo uu ku baxo qarash aan badneyn.
Waxaa uu intaasi ku daray in fulinta mashaariicdan la dardargeliyo.
James Macharia ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeynta ah in mashaariicda waawayn lagu wareejiyo keliya shirkadahan.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in qandaraasyada ay yihiin kuwo u furan cid kasta oo buuxiso shuruudaha looga baahan yahay hasa ahaate la doorbido qiimaha ugu macquulsan ee lagu fulinaya.
Wasiirka ayaa sheegay in mashruuc kasta inta aan la fulin loo maro geeddisocod qiimeyn ah oo lagu jaangoynaya qarashka ku baxaya si aan loogu adeegsan dhaqaale dheeraad ah.
Mr.Macharia waxaa uu intaasi ku daray in boqolkiiba 80 la dhameystiray mashruuca waddada wayn ee Nairobi Expressway oo uu bishii Tobnaad ee sanadkii 2019-kii daahfuray madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Ugu dambeyn waxaa uu tilmaamay in mashaariicda wasaaradda uu hoggaamiyo badankoodu la fuliyay laga soo billaabo sanadkii 2017-kii.