DHAGEYSO:Xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo Kismaayo lagu doortay

0
590

Waxaa weli Magaalada Kismaayo ee xarunta maamul goboleedka soomaaliyeed ee Jubbaland ka socota maanta doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana goordhow la doortay kuraastii ugu horreysay.
Doorashada Kursiga Koobaad waxaa warbixintiisa faahfaahinaya oo Kismaayo ka soo diray Maxamad Ibraahim Washington.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer maamul Goboleed ee Jubbaland Dr. Siyaad Maxamad Mursal ayaa sidoo kale ku dhawaaqay natiijada kursiga HOP 082 wuxuuna sheegay in Xildhibaan Cabdirashiid Jire Qalinle uu ku guuleeystay kursiga, isagoo helay 75 cod Siyaad Aadan Lile oo la tartamay wuxuu helay 20 sida uu guddoomiyaha guddiga doorashadu ku dhawaaqay.

Sidoo kale Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Firimbi) ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hope#217 ee golaha shacabka BJFS, isagoo tartanka uga guuleystay Maxamad Faarax Muxume\ad.