Beesha caalamka oo taageertay kulankii uu ku baaqay rw Rooble

0
314

Dowladaha Mareykanka iyo Uk ayaa sheegay inay taageersan yihiin shirka uu ku baaqay ra’iisul wasaare Maxamad Xuseen Rooble ee Golaha Wadatashiga Qaran.
Waaxda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ayaa bayaan ka soo baxay waxaa lagu sheegay, “Dowladda Mareykanka waxay taageereysaa baaqa ku saabsan kulanka Golaha Wadatashiga Qaran ee toddobaadkan oo diiradda lagu saarayo horumarinta iyo dedejinta hannaanka doorashada Soomaaliya.”
Sidoo kale qoraalkaan ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay si qoto dheer uga walaacsan tahay dib u dhacyada joogtada ee hanaanka doorashada.
Safiirka UK, Kate Foster oo taageertay kulanka uu Rooble ku baaqay in la isugu yimaado maanta oo Isniin ah ayaa iyana tiri “ Madashan muhiimka ah waa halka ay tahay in cabashooyinka iyo arrimaha wax looga qabto, Wadahadalka waa u muhiim wax ka qabashada dhibaatooyinka iyo khaladadaadka la arkay iyo dedejinta hannaanka doorasho ee Soomaaliya.
Hadalkan ayaa soo baxay saacado ka hor inta uusan madxaweynaha ku dhawaaqin inuu shaqada ka joojiyay Rooble.
Maalmihii u dambeeyay waxaa soo daahirayey khilaaf cusub oo hareeyay geeddisocodkii doorashada Soomaaliya, kaas oo gaadhsiisan heer madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble uu midba midka kale ku eedeeyay carqaladeynta hannaanka doorashada.
Muddooyinkii u dambeeyey waxaa socday doorashada qaar ka mid ah kuraasta aqalka hoose, halka qaarna la soo saaray habraacii kuraastaas.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhowr maalmood ka hor xilka ka qaaday xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ka dib markii lagu eedeeyay xubnahan in ay lumiyeen madaxbanaanidii guddinimo ayna ku milmeen siyaasadda, sida lagu sheegay War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Mr. Rooble oo garowsan in doorashada ay gaabis ku socoto ayaa isugu yeeray Golaha Wadatashiga Qaranka inay Muqdisho isugu yimaadaan 27-ka bishan ee maanta ku beegan.
Farmaajo ayaa ku eedeeyay kala qeybsanaanta guddiga inuu ka dambeeya Rooble, balse Ra’iisal wasaaraha ayaa beeniyay eedeyntaasi.