Gobolka galbeedka dalka oo lagu qaban doona shir lagu taageerayo Raila Odinga

0
333

Gobolka galbeedka dalka ayaa lagu qaban doona shir lagu xoojinayo midnimada bulshada Mulembe habeenka sanadka cusub ee 2022-ka.
Kulankan ayaa la doonayaa in gobolka galbeedka wadanka taageero loogu muujiyo hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga kaas oo 10-kii bishan shaaciyay inuu markii shanaad isu soo sharraxayo xilka madaxtinimo ee dalka.
Shirkan qabanqaabadiisa ayaa timid ka dib shir ay isugu yimaadeen xoghayaha guud ee dalladda ururrada shaqaalaha dalka ee COTU Francis Atwoli, madaxa xisbiga ODM Raila Odinga, barasaabka ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya iyo madax kale oo kasoo jeeda galbeedka Kenya.
Mr. Odinga ayaa sidoo kale ku boorriyay dadka deegaanka Butere inay taageeraan dadaalkiisa ku aadan inuu xilka kala wareego madaxweyne Uhuru Kenyatta sanadka 2022-ka.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya ayaa taageerayaashiisa ku dhiiragaliyay in ay hubiyaan in loo diiwaangaliyay codbixinta doorashada guud ee soo socota si loo xoojiyo tirooyinkiisa.
Waxaa uu ballanqaaday in uu ka soo qayb geli doono kulanka ka dhacaya garoonka Bukhungu ee dowlad deegaanka Kakamega.