Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la filaya in roobaab ay ka da’aan qaybo ka mid ah wadanka.
Waxaa ay intaa ku dartay in roobabka ay sidoo kale wataan dabaylo xooggan .
Bariga iyo koonfurta dalka ayaa lagu wadaa in roobabka ugu xooggan ay ka da’aan.
Ismaamullada Turkana iyo Marsabit oo ka mid ahaa dowlad deegaanada ay abaartu saamaysay ayaa iyaguna la filayaa inuu ka da’o roobab dabaylo xambaarsan.
Sidoo kale qaybo ka mid ah ismaamullada Samburu iyo Turkana waxaa maalintii oo dhan noqonaysa mid qorrax leh iyadoona kuleyl laga dareemi doono.
Bayaan ay waaxdu soo saartay ayaa waxaa qayb ka ah in gobolka bartamaha dalka, bariga iyo caasimadda Nairobi ay ka da’i doonaan roobab kooban gelinka hore iyo kan dambe.
Gobolka waqooyi bari ayaa waxaa ka jiri doona qorrax subixii hore halka galabkii la filayaa in roobaab ka hooraan.
Gobolka Xeebta dalka ayaa la rajaynaya inay ka da’aan roobab halka sido kale ismaamullada kala ah Machakos, Makueni, Kitui, Taita Taveta iyo Kajiado iyagana ay heli doonaan roobab aan badneyn.