Bisha cas ee dalka Liibiya ayaa sheegtay in la helay ugu yaraan 27 meydad oo dad soo galooti ah.
Tani ayaa ah musiibadii ugu dambeysay ee caalamka ee dhanka tahriibka.
Meydadka la helay waxaa ka mid ah canug yar iyo labo haween ah.
Waxaa lagu arkay labo meel oo ku yaalla magaala xeebeedda Khoms oo masaafo dhan 90 kiilomitir u jirta caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in la soo badbaadiyay saddex muhaajiriin oo kale.




