Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamad (Laftagareen), ayaa caddeeyey inuusan kasoo qayb gali doonin Shirka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamad Xuseen Rooble.
Go’aankan ayuu yiri Cabdulcasiis Lafta Gareen wuxuu ka dhashay ka dib markii lagu xadgudbay madaxbannaanida Guddiga Xallinta Khilaafaadka, oo 7 xubnood laga saaray iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Federaal oo shalay la kala qeybiyay.
Ugu dambeyntii, Cabdulcasiis Lafta Gareen, ayaa carrabka ku dhuftey in Koonfur Galbeed Soomaaliya ay diyaar u tahay ka qaybgalka baaqa Madaxweynaha, si looga tashado sidii lagu samatabixin lahaa geeddisocodka doorashooyinka dalka.
Home Wararka Soomaaliya Laftagareen oo caddeeyay inuusan ka qayb galeen shirkii uu iclaamiyay rw Rooble




