Ruushka oo soo afjaray dhoolotus militari oo uu ka waday xadka Ukraine

0
503

Dowladda dalka Ruushka ayaa shaacisay inay meel u dhow xadka ay la wadaagto Ukraine ka saartay in ka badan 10,000 oo askari.
Ciidamada ayaa waxaa halkaasi uga socday tababarro iyo dhoolotus militari oo ay ku muujinayaan cududdooda.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo waddamada reer galbeedku ay xukuumadda Moscow ku eedeynayaan inay ku howlan tahay duullaan ka dhan ah Ukraine.
Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa sheegtay in howlaha militari laga sameynayay gobollada koonfureed ee Rostov, Krasnodar iyo Crimea oo ay Moscow sanadkii 2014-kii ka qabsatay dowladda Ukraine.