Kalonzo Musyoka oo sheegay inaynan taageeri karin Raila Odinga ama William Ruto

0
345

Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa sheegay inaynan suurtagal ahayn in isbeheysiga OKA uu taageero musharraxnimada Raila Odinga ama William Ruto.
OKA ayaa waxaa ku mideysan xisbiyada kala ah ANC,KANU,Ford-Kenya iyo Wiper.
Mr. Musyoka ayaa hoosta ka xarriiqay in mabda’ooda siyaasadeed uu yahay la dagaalanka musuqmaasuqa sidaas awgeedna aynan marnaba iskaashi la sameyn karin siyaasi horay loogu tuhmay lunsashada kheyraadka dadweynaha.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in qaabka la doonayo in Raila Odinga uu ku qanciyo madaxda OKA si uu taageero uga helo ay la mid tahay mucjiso.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dhammaadka bisha koowaad ee sanadka 2022-ka la filayo in isbeheysiga OKA uu soo bandhigo musharraxa ku matali doono loolanka madaxtinimo ee dalka.