Banaanbax looga horjeedo dagaalada soo noqnoqday ee degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dhexmara Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan ka socda bartamaha degmadaasi.
Dadweyne farabadan oo isugu soo baxay meel u Saldhigga Kaaraan ayaa dhigaya banaanbaxa socda, islamarkaana uga soo horjeeda dagaalada xilliyada qaarkood degmadaas ku dhexmara Ciidamo kala taabacsan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka.
Qaar kamid ah dadka dhigaya bannaanbaxa ayaa taayaro waawayn ku gubaya waddada laamiga ah, iyagoona ka careysan dadkaas dagaalada geysta khasaaraha ee dhaca, waxaana ay dalbadeen in wax laga qabto dagaalada oo soo noqnoqday.
Shalay ayay aheyd markii Ciidamo ka wada tirsan kuwa Milateriga dowladda uu dagaal xooggan ku dhexmaray xaafadda Sheekh Aadan Dheere ee degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, waxaana dagaalkaas uu gaystay khasaaro dhaawacyo ah.
Marar kala duwan oo hore ayay Ciidamo ay kala hoggaamiyaan korneyl Saneey Cabdulle iyo Cismaan Xadoole ku dagaalameen xaafado ka tirsan degmada Kaaraan, iyagoona la sheegay in dagaaladooda uu inta badan salka ku haayo dhul iyo kaawooyin ku yaalla deegaano ku dhow degmadaas.




