Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa kenyaanka ugu baaqay inaysan ka niyad jabin qaabka ay dowladda dhexe ula dagaallamayso cudurka COVID-19.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in aan loo baahneyn in xaaladda dunida ka jirto ay dadweynaha ku beerto culeys maskaxeed.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka ayaa shacabka u sheegay inuu rajeynayo in laga guulaysto caabuqa corona.
Dowladda ayuu ka codsaday inay laba jibbaarto dadaalkeeda ka dhanka ah cudurka.




