Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Maralal ee ismaamulka Samburu, ka dib markii koox burcad ah ay Jimcihii weerar ku dishay sarkaal boolis ah iyo nin da’adiisu lagu sheegay 60 sano jir.
Laamaha ammaanka ayaa shalay sheegay inay ku daba jiraan kooxdii weerarka gaysatay kuwaas oo sidoo kale qaatay hanti aan qiimaheed la cayimin.
Burcadda ayaa weerarka ka fulisay tuulada Pura ee dowlad deegaanka Samburu.
Warbixin uu booliska soo saaray ayaa lagu sheegay in sarkaalka dhintay uu ka mid ahaa koox ka falcelineysay weerarka ay burcadda soo qaadday.
Waxaa sidoo kale inta uu weerarka socday ku dhaawacmay askari kale oo ka tirsan ciidamada saldhigga booliska ee magaaalda Maralal.
Booliska ayaa laga soo xigtay in goobta ay burcadda weerarka ka gaysatay la soo dhoobay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, iyadoo saraakiisha la weeraray ay xaqiijiyeen in weerarkaasi ay ka dambeeyaan mooryaanta ismaamulka Samburu.
Waxaa ay dhanka kale booliska xaqiijiyeen in la helay saddex askari oo la waayay weerarka ka dib taas oo soo afjartay warar la isla dhexmarayay oo ku saabsan halka ay ku dambeeyeen.