Midowga musharraxiinta oo guddiyada doorashada Soomaaliya ugu baaqay in ay guddoon doortaan

0
253

Golaha Midowga Musharrixiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay guddiga doorashada heer federaal iyo guddiga xallinta khilaafaadka in ay si degdeg ah hoggaan u doortaan.
Waxaa ay ku boorriyeen guddiyada in ay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda, kana shaqeeyaan sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho hufan oo daahfuran.
Goluhu wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda uu leeyahay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee loo ballansan yahay berri oo ku beegan 27-ka bisha 12-aad.
Goluhu wuxuu rajaynayaa in ay shirka kasoo baxdo natiijo togan oo lagu toosinayo geeddi-socodka doorashada Soomaaliya, laguna dardar gelinayo meelmarinteeda.
Waxaa uu goluhu aaminsan yahay in xalka uu ku jiro qabsoomidda doorasho hufan oo daahfuran, taasoo keenaysa in natiijadeedana la agbalo.