In kasta oo inteena badan aan isticmaalno oo aan ku tiirsan nahay cadarka ama alaabada kale ee daryeelka maqaarka, laba dumar oo u dhashay dalka Vietnam ayaa lagu eedeeyay inay leeyihiin udgoon dabiici ah oo sidii cadarka oo kale ah.
Dang Thi Tuoi, oo ah haweeney ka soo jeeda gobolka Sóc Trăng ee wadanka Vietnam, ayaa la sheegay inay leedahay arrin mucjiso leh oo aad u xiiso badan.
Marka la xoqo, maqaarkeeda ayaa soo saara caraf macaan, udgoonka ubaxa oo kale oo lagu tilmaami karo cadar dabiici ah
Dang ayaa la sheegay in ay ogaatay arrintan gaarka ah ee jirkeeda dhowr sano ka hor, iyada oo xoqinaysa gacmaha iyo cagaha. Waxay si lama filaan ah hawada uga urisay caraftan macaan, waxayna aakhirkii garatay in uu jidhkeeda ka soo baxayo.
“Maalintii, haddii aad rabto inaad uriso udgoonka, waa inaad gacmahaaga ku xooqda jirkayga, laakiin habeenkii, dadka hareerahayga ku wareegsan weli way urin karaan udgoonka jidhkeyga ka soo baxaya xitaa haddii ay joogaan meel iga fog.” Ayay tiri Ms. Tuoi.
Dang Thi Tuoi ayaa ku andacootay in meelaha qaar ee jirkeeda ka mid ah ay ka udgoon badan yihiin kuwa kale, isla markaana ay carafta habeenkii ka xoog badan tahay maalintii. Sido kale marka uu ku dhaco dhiiga caadada carafta ayaa hoos u dhacda ilaa 10 boqolkiiba.
Sheekada aan caadiga ahayn ee Ms. Tuoi ayaa dareen badan ka heshay baraha bulshada, iyadoo muuqaalkii asalka ahaa ee la geliyay barta YouTube-ka ay fiirsadeen in ka badan 1.7 milyan oo qof.
Ka dib muuqaalkeedii ugu horreeyay, bog lagu magacaabo Doc La Binh Duong ayaa la xirriiray haweeney kale oo sheegtay inay iyadana jirkeeda qabo isla astaamahani.
Ms. Dung, oo ah haweeney ka soo jeeda gobolka Kien Giang, ayaa sheegtay in si la mid ah Dang Thi Tuoi, uu jirkeedu soo saaro udgoon xooggan, marka la xoqo. In badan ayay garanaysay sifadeeda gaarka ah, waayo mar kasta oo ay gacmaheeda maqaarkeeda ku salaaxdo waxa ay dareemaysay udgoon xooggan, balse weligeed cidna uma sheegin.
Labada haween midkoodna ma awoodin inay sharaxaan sababta uu jirkoodu u bixiyo udgoonka u eg cadarka.
Home Warbixinno Dheeraad ah Haweeney u dhalatay dalka Vietnam oo la sheegay in jirkeeda uu leeyahay...